Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo socdaalkii u horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegaya Degmada Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa todobaadkan socdaalkii u horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegaya Degmada Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula yeelan doona Mas’uuliyiinta Degmada Galdogob, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku samayn doona xarumaha Dowladda ee ku yaalla Degmada Galdogob, waxaana la filayaa in uu mashaariic cusub ka dhagax dhigo Degaanka, kuwaas oo uu ka ballan-qaaday Kulan uu Gaalkacyo kula yeeshay odayaasha Dhaqanka Galdogob.

Mudane Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee Puntland oo booqda Galdogob, waxaana horay halkaasi u booqday Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 13 April 2014 saddex bilood kadib markii la doortay.

PUNTLAND POST

The post Deni oo socdaalkii u horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegaya Degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this