Sign in to follow this  
Deeq A.

 Soomaaliya Oo Dalka Dib ugu soo Celisey Tahriibiyaal Somaliya oo Ku Xidhnaa Xabsiyo Dalal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

 Soomaaliya Oo Dalka Dib ugu soo Celisey Tahriibiyaal Somaliya oo Ku Xidhnaa Xabsiyo Dalal kale

009.jpg

Dowlada  Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dib dalka loogu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xidhnaa xabsiga dalka Iran.

Muwaadiniintan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa tiradoodu ahayd 11 qof, waxaana la xidhay xili ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq.

Qaar kamid ah muwaadiniinta oo saxaafada kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan kadib markii xabsiyada laga siidaayay, sababo la xidhiidha covid19.

Waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidoodii ayna dareemayaan farxad

Siidaynta iyo keenista muwaadiniintan waxaa gacan ka geystay xafiiska gaarka ah ee xuquuqda carruurta & tahriibayaasha iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this