Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn oo caawa gurigiisa lagu dhex dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanllaweyn (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ee dhanka maamulka iyo maaliyadda Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa caawa lagu dhex dilay hooygii uu ka deganaa magaalada Wanllawen.

Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga guddoomiyaha, waxuuna goor dhaw u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray.

Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisii oo loo qaaday xarumaha caafimaadka degmada oo aan sidaas u taag badneyn.

Taliyaha Booliska degmada waxa uu sheegay in ragii geystay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay hadda ciidamada ammaanku wadaan howlgallo lagu baacsanayo ragii geystay weerarka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna magaalada Wanllaweyn ay wajaheysaa jaha-wareer amni oo uga imaanaya maleeshiyo beeleedyo iska aar-goosanaya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this