Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabadda 1-da Agoosto oo markii u horraysay lagu qabtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
17.jpg?resize=1000%2C733&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Den,i ayaa xalay ka qay-galay Munaasabadda Xuska  sannad-guurada 22-aad ee as’aaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay Gaalkacyo lagu qabtay.

Munaasabadda waxa sidoo kale ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Maamulka Gobolka Mudug kan Degmada Gaalkacyo, Ururada Bulshada Siyaasiyiin Hoggaanka Dhaqanka Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan  ee Bulshada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib.

Madaxweynaha oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay. Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka.

Halkaan ka eeg Sawirada

  • 1-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 6.jpg?resize=1000%2C836&ssl=1
  • 7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 9.jpg?resize=1000%2C817&ssl=1
  • 10.jpg?resize=1000%2C894&ssl=1
  • 11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 17.jpg?resize=1000%2C733&ssl=1
  • 18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 1-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Munaasabadda 1-da Agoosto oo markii u horraysay lagu qabtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this