Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey 10 urur Siyaasadeed oo buuxiyey shuruudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Caasimadda Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray.

Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay hoggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland.

10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan.

Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya.

ururo-siyaasadeed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this