Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Wadajir oo sharci-darro ku tilmaamay in Xukuumaddii dhacday ansixiso Golaha Adeega Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sharci-darro ku tilmaamay in Golaha Xukuumaddii dhacday ee Ra’iisul wasaare Khayre ay ansixiyaan Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka Dalka.

Xisbiga ayaa sheegay in Xukuumad haysata Kalsoonida Baarlamanka ay awood in ay ansixiso Golaha Adeegga Garsoorka balse Xukuumaddii aysan haysan sharciyad ay wax ku ansixin karto maadama ay wayday Kalsoonida Baarlamanka.

War-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in si hareermarsan Dastuurka iyo Sharciga Dalka ay Golaha Xukuumaddii dhacday u ansixiyeen Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka taasin ay  tahay tallaabo kale oo Dastuurka jebisay.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

WADAJIR.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Wadajir oo sharci-darro ku tilmaamay in Xukuumaddii dhacday ansixiso Golaha Adeega Garsoorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this