Libaax-Sankataabte Posted October 23, 2005 Allaha u naxariisto marxuumka. Eheladiisana samir iyo iimaan Ilaahay ha ka siiyo. Aaamin Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted October 23, 2005 ^^ Aammin aamiin Alloow u naxariiso asaga iyo intii muslim ah oo dhamatay dhamaantood. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted October 23, 2005 Ina lilaah wa inaa ileyhi raajicuun..... Ilaahow u naxariiso..aamiin!!!!! Wareer Badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted October 24, 2005 Allah yarxama. YamYam was a literary legend. He will be missed in many circles. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nafta Posted October 24, 2005 Illahey haa u naxariisto indeed. Awoowe YamaYam was much loved by his whole family and we'll really miss his presence. He was a tower of strenght to his family and seen as a literary legend by many Somali's. It's a sad loss. Thanks to everyone for their kind words Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted October 24, 2005 ^^^ sorry for your loss sister. alaha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Warrior of Light Posted October 24, 2005 Inallilahi wainaillahi rajiun. May his soul rest in peace and Allah have mercy on him .Amin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meygaag Posted October 25, 2005 Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi raajicuun! Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaau ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qosykii, qaraabadii, eheladii & Saaxiibadii uu ka baxay Abwaan C'Qaadir Xirsi Yamyam. Isagana, fadliga Bishan Ramadaan aawadeed, naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabsho, AMIIN! C'Qaadir wuxuu ahaa Abwaan ka mid ah abwaannada ugu tayada sareeya ee dhinaca Suugaanta Af Soomaaliga, waa tiir ka liicay Suugaanteena. Mar aan yara indha indhaynayey Tacsida Abwaanka, Allaha u naxariistee, ayaan ka dul dhacay suugaan yar oo uu curiyey muddo ka hor. Waxaan ka soo qaatay Golaha Suugaanta Soomaalida ama 'Somali Literary Forum', waxayna u dhigantaa sidan: Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam (Waa intii uu noolaa'e; Allaha u naxariistee) ayaa tiriyey maansadan soo socota. Waxa uu abwaanka dadkiisa kula talinayaa inay duruus ku qaataan waqtiga, qof kasta oo Soomaali ahna looga baahan yahay inuu yeesho damiir wanaagsan oo waddaninimo, aadaminimo, iyo diinba ku dheehan. Waa cashar uu isleeyahay dadkaaga ha u noqoto meerisyo halqabsi ah. Dhanka kale, waxa aan maansadan ka dhadhansan karnaa bad-suugaameed aan maansooleyaal badani ku degdegin.---Cabdillaahi Abuukar 1. Dalkaaga jeclow dadkaaga jeclow, ku diirso wanaaga xumaantana diid. 2. Dareenka ilaasho damiirkana dhawro, dariiqa hagaagsan ku daafac xaqaaga. 3. In aad nabad doonto dantaada useeg, durbaanka qabiilka dhegaha ka dabool. 4. Diintaada ku dhaado ha daayicin xeerka, walaalka ku doona ha diidine yeel. 5. Daryeelka dhaqankaaga ku faan deriskaaga, daymada naxariista naftaada ku daab. 6. In aad dibadda aado ka dooro dhulkaaga, waxaa dihin ciidee garweynata ku doox. 7. Dulmiga ka baq ceebna falkaaga udiid, wuxuu dadku yeelo dulqaad u lahaw. 8. Dalka iyo qarankaaga dhiigaaga udaadi, dadka iyo calankaaga dardaaran u reeb. 9. Hadaad dhereg doonto dalkaaga ka maal, h adaad sharaf doonto dadkaaga ku faan. 10.Dantii keligaa ah ka doorbid ta guud, bulshada kugu dayran ka daafac sabool. 11.Ilaahay daraadii dammaanad ku qaad, dugsoo samirkaaga lib Eebbe ku doon. 12.Dariiqa Islaamku ma daayacayee, wixii duminaaya amaanada diid. 13.Fariimaha diinta dadkoo dhan u sheeg, in uu xaqu deeqo ku muuji dadaal. 14.Iimaanka daloola waxbaba ma deeqaane, ninkii wax dulmoowba xabaasha daymood. 15.Deegaanka ilaali duurjoogta ha leyn, meel aanay dalxiisku ku daalin ka yeel. 16.Reexaanta iyo doogga daruurta ku naaxi, markaanay da'aynna kannaalka u doox. 17.Intaanay ku daalin daruufta qabiilka, daruusta caruurta ku beer dal jacayl. Quote Share this post Link to post Share on other sites