Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Boqolka Qof Ee Afrika Ugu Sumcadda Wanaagsan Oo Lasoo Bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Repeni Poll International, oo ah shirkad caan ku ah qiimaynta dadka sumcadda waanagsan ku leh adduunka, ayaa waxay sii deysay liiska boqolka qof ee qaaradda Afrika ugu caansan uguna sumcadda wanaagsan sanadkan 2020.

Liiskan waxaa ku jira 47 haween ah iyo 53 rag ah oo ka kala yimid waaxbo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Hogaaminta, Madadaalo, U doodista, Waxbarashada iyo Ganacsiga. Shuruudaha xulashada ayaa ah daacadnimo, Muuqaal iyo saamayn.

Shakhsiyaadka aadka loo jecel yahay ee lagu soo bandhigay liiska waxaa ka mid ah: Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, 2 Madaxweynayaal oo Afrikaan ah, hal Madaxweyne ku xigeen iyo siyaasad-sameeyeyaal.

Sannadkan waxaa ka soo dhex muuqday laba hablood oo Soomaali ah, oo kala ah Ilwaad Elmaan, u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha iyo Faadumo Dayib, musharrax hore oo madaxweyne Soomaaliya.

2020730637316717829277193.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this