Sign in to follow this  
Deeq A.

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Xariga Ka Jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 Ee Isbitaalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo loo qalabeeyay si casri ah.

unnamed-4-1024x683.jpg

Wasaaradda caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

unnamed-2-1-1024x683.jpg

Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

unnamed-5-1024x683.jpg

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn.

unnamed-3-1024x683.jpg

Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka.

unnamed-4-1024x683.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this