Sign in to follow this  
Deeq A.

Sii hayaha R/wasaaraha XFS oo kormeeray Bangiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar) ayaa maanta kormeer howled ku tagay xarunta Bangiga dhexe Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu maamulka Bangiga dhexe kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo qodobo kale oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlohoda.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu xoojiyo waxqabadka hey’adaha dowladda iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this