Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Askar lagu eedeeyay in ay dad shacab ah Rasaas la dhaceen oo xabsiga la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa xabsiga dhigay laba askari oo ku eedaysan in ay Rasaas ku rideen Haween Ganacsato danyar ah oo shalay muddaharaad ka sameeyay barxadda Caasimadda Garoowe.

Ganacsatada danyarta ah oo ka cabanayay lacago ay sheegeen in lagu kordhiyay ayaa qaarkood ku dhaawacmay Rasaas ay fureen askar ka tirsan Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal kuwaas oo haatan laba kamid ah xabsiga la dhigay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga xun yihiin in dhibaato loo gaysto shacabka islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo ay ku caddaato in ay dhibkaasi gaysatay.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Askar lagu eedeeyay in ay dad shacab ah Rasaas la dhaceen oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this