Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin laga waday Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo xal laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xalay kulansiiyay guddoomiyaha baarlamanka iyo xildhibaanada Galmudug oo qaarkood mooshin ka waday guddoomiye Maxamed Nuur Gacal .

Kulankaas oo ahaa mid casho ah ayaa ka dhacay hooyga uu madaxweyne ku xigeenku ka deganyahay magaalada Dhuusamareeb, waxaana looga arinsaday howlaha baarlamaanka iyo sidii loo xalin lahaa tabashada xildhibaanada ee ku khasabtay inay mooshin ka keenaan guddoomiyahooda.

Kulankaas waxaa lagu soo beegay xilli shalay la fasaxay mushaarkii xildhibaanada oo ka maqnaa seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wararku waxay sheegayaan in markii dambe lagu guuleystay xalinta tabashadii ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee mooshinka ka waday guddoomiyaha.

Guddoomiye Gacal ayaa Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay casuumada uu u sameeyey, isaga iyo xildhibaanada Galmudug ee maalmahaan abaabulayey mooshin ay doonayeen inay kalsoonida ugala noqdaan.

PUNTLAND POST

The post Mooshin laga waday Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo xal laga gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this