Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qoor Qoor oo olole xooggan ugu jira in beeshiisa la siiyo kursiga ra’iisul wasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ugu magacaabi lahaa qof kasoo jeeda beeshiisa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor uu caawa xarunta Nabad-Sugidda kula kulmay taliyaha NISA Fahad Yaasiin, isaga oo kala hadlay arrintan. Qoor Qoor ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Kamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo xubno kale oo ay isku beel yihiin.

Kulankan ayaa daba socda kulamo kale oo Qoor Qoor uu la yeelanayey xubnaha ugu miisaanka badan dowladda, si uu u xaqiijiyo in beshiisa loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha ee laga qaaday Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale saaka la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana codsaday xilkan, waxaana la filayaa in sidoo kale uu kulamo kale la yeesho saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Dadaallada xoogga leh ee uu wado Axmed Qoor Qoor ayaa soo billowday intii uu socday shirkii Dhuusamareeb, waxaana jira warar sheegaya in laga yaabo inuu wax ka ogaa xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Kheyre.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay inay qalad u arkaan in Qoor Qoor, oo ah madaxweynaha maamul ay ku mideysan yihiin beelo badan, uu si gaar ah wax ugu raadiyo beesha uu isaga kasoo jeedo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuusan weli go’aan ka gaarin beesha uu kursigan siinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this