Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha KMG Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xafiiska La Wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa maanta xilka ku wareejiyay xogahayaha cusub ee KMG ah Abdirisak Xuseen Aaden.

unnamed-1024x683.jpg

Xogahayaha cusub ee KMG ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Abdirisak Xuseen Aaden, ayaa xoghayihii hore ku amaanay dadaalka iyo waxqabadka waxuuna sidoo kale howlwadeennada xafiiska ka codsaday inay ula shaqeeyaan si lamid ah sidii wanaagsaneyd ee ay shaqooyinka xafiiska iyo guud ahaan qaranka u hayeen.

unnamed-1-1024x683.jpg

Sii hayaha wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane, Cabdullaahi Xaamud iyo howl-wadeenno ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka, ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda xil-wareejinta.

unnamed-1024x683.jpg

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar), ayaa July 25, 2020, waxuu Cabdirisaaq Xuseen Aadan si kumeel gaar ah ugu magacaabay xoghayaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

116217094_1701583103315715_1730785894569

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this