Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Mahadsanid ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Recommended Posts

If good men of madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan iyo ra'iisul wasaara C/rashiid Cali Sharmaarke isgaranwaa siyaasadeed ku kala tageen in 1964 at the nascent of jamhuuriyadda Soomaaliya, anything is possible in siyaasadda Soomaaliya.

So, it is no surprise madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul Kheyre isfahan la'aan ku kala tagaan as well.

I just want to say aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay ra'iisul Xasan Cali Kheyre. Mahadsanid for you reforms, for your government's transparency, for appointing capable, seasoned ministers (C/raxmaan Beyle and Fowsiya Abiikar to name a few). Thank you for your tireless efforts of getting deenta Soomaaliya lagu leeyahay laga cafiyo.

Thank you for transforming the Soomaaliya's military into a capable one and registering each soldier to receive direct deposit for their wages - no middle men to siphon.

Soomaaliya that was Febraayo, 2017 is not the same Soomaaliya that is Luulyo, 2020.

Thank you for the least for modernizing the office of the prime minister itself, transitioning it from this:

large.jpeg

To this:

golaha-wasiirada-800x445.jpg

From making prime minister's office itself from this:

gudiga-dib-u-heshiisiinta-7.jpg

To this:

KHEYRE4.jpg

 

U67A0055.jpg

I cannot list on here all your achievements, but real patriot Soomaalis will not forget you and I personally hope to call you my president sooner.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shan waxyaabood oo lagu xusuusan doono xukuumadii R/W Xasan Cali Kheyre

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khudbaddii uu ka jeediyay Muqdisho waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxda ka ahaa ay ku guulaysatay arimo muhiim u ah siyaasadda dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa nodqay ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib, isagoo xilka hayay ku dhawaad saddex sano iyo bar ama 1247 maalmood.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod uu Sabtidii u qaaday xukuumadda Kheyre kalsoonida kala laabtay.

“Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Haddaba maxaa u qabsoomay Kheyre intii uu xilka hayay, maxaa se lagu xasuusan doonaa? Waxaan halkan ku soo koobnay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa lagu eedeynayo in xukumaddiisu ay ka gaabisay.

Deyn cafinta

Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisii ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadda Soomaaliya oo ay “soo celisay kalsoonidii uu caalamka ku qabay hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasoo saamaxday in Soomaaliya laga cafiyo deyn lagu lahaa muddo dheer.”

Waxa uu sheegay in arintaasi ay xukuumaddiisii gelisay dedaal iyo waqti badan.

Inkastoo aan weli Soomaaliya si rasmi ah looga cafin deynta lagu qiyaasay inay ka badan tahay 5 bilyan oo dollar, ayaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii March ee sanadkan waxa ay sheegtay in dalku gaaray marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka deyn cafinta ee loo sameeyo wadamada faqriga ah.

Arintaasi ayaa horseeday in Soomaaliya ay soo ceshato xiriirkii ay la lahayd hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, taasoo horseedi karta hormarinta dhaqaalaha dalka iyo in malaayiin qof laga saaro saboolnimada ay ku nool yihiin.

Dib u dhiska ciidamada

Xukuumaddii Kheyre ayaa bilowday hannaan diiwaangelin rasmi ah loogu sameynayo ciidanka Soomaaliya, si loo ogaado tiradooda saxda ah iyo tayadooda.

Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda Soomaaliya ay si muuqata ugu tiirsanaatay ciidamo boqolaal ah oo ku tababartay xerada Turkiga uu ka dhisay Muqdisho ee TurkiSom.

“[Hawlaha aan qabanay] waxaa kamid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxalgal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Sidaa oo ay tahayna, xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ciidamadaasi qaarkood u adeegsatay qaab siyaasadeed.

Horraantii bishii March 2019, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa magaalada Beled Xaawo kula dagaallamay ciidanka Jubbaland oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Maraykanka ayaa dhaliilay ciidamadaasi ay dowladda geysay gobolka Gedo, waxaana uu ku tilmaamay kuwo laga weeciyay qorshihii sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

La dagaalanka musuq maasuqa

Kheyre ayaa khubaddiisii “iscasilaadda” ku sheegay in xukuumadda uu hogaaminayay ay waxbadan ka qabatay la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya.

Inkastoo ay jireen agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda oo loo xiray musuq maasuq, haddana ma jirin cid inta maxkamad loo soo taagay lagu riday xukun ku aaddan wax isdaba marin dhaqaale.

Cabdirashid Axmed oo ahaa lataliyaha Kheyre ee dowlad wanaaga iyo isbedallada laga sameynayo dalka ayaa BBC-da u sheegay in waxbadan oo khaldan ay ka dhaceen intiii uu xafiiskaasi joogay.

“Soomaaliya waa waddan shaqooyinka la qabto oo dhan ay maalgeliso beesha caalamka. Xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa uu sameeyay hannaan mashaaciida dalka oo looga wareejiyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo la isugu keeno xafiiskaasi, si loo kontoroolo dhammaan qandaraasyada, dhaqaalaha iyo tirada shaqaalaha ku lugta leh,”ayuu yiri yiri Cabdirashiid.

Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Transparency International, Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana ay gashay kaalinta ugu hooseysa ee 180/180.

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah khudbadihii ugu hadal haynta badnaa ee Xasan Cali Kheyre

_113664723_1b1d9d70-12b7-4086-ba4f-cac54

Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu caan ku ahaa khubado soo jiidsasho leh oo inta badan hadal hayn ka noqday baraha ay bulshada ku wada xiriirto, isagoo si gaar ah khudbadhiisa ugu isticmali jiray inuu dhallinyarada kula hadlo.

Waxaa la sheegay in xasan Cali Kheyre uu wakhti badan gelin jiray diyaarinta khudbadihiisa marka uu la hadlaya shacabka gaar ahaan dhallinyarada.

Kheyre ayaa noqday mid ka mid ah shaqsiyada loogu mutaabacayn badanyahay madaxda Soomaalida, iyada oo aad loogu fiirsado, lagana falceliyo waxyaabaha uu fagaarayaasha kusoo bandhigo haddii ay ahaan lahayd qaabka uu hadalada u jeediyo, labiskiisa, iyo ficiladiisa kale.

Waxaase iyana dhanka kale jirtey dood ah in khayre uu mararka qaar soo min guuriyay khudbado ay jeediyeen madax kale oo dunida ah sida Obama.

Waxaana dhawr jeer baraha bulshada isbarbardhiga hadal uu jeediyey oo meel kale ka jeedinayo siyaasi kale. Taas oo ahayd eedaha waaweyn ee loo hayey.

Waxaa tusaale loosoo qaatay in uu minguuriyay hadalo ay jeediyeen madaxweynayaashii hore ee John F. Kennedy iyo madax kale.

Waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyay muuqaal isbarbardhig ku samaynaya hadalkii caan baxay ee Kennedy uu jeediyay ee ahaa "Ha is weeydiin waxa ay dowladda Maraykanka kuu qaban karto, ee isweeydii waxa aad u qaban karto dowladda Maraykanka".

Kheyre ayaa xigashadan ka sheegay socdaal uu ku marayo gobolada dhexe.

"Markaan fiiriyay, hadalkiisana gudaha usii galay ma ahan wax isaga kasoo maaxday, waxaanan fahmay in hadalkiisa uu yahay minguuris" ayuu yiri Cabdisitaar Xasan Cali, oo aqoon u leh arrimaha baraha bulshada.

Balse, dadka taageero Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ay adag tahay in la is barbar-dhigo maadaamma qeyb yar oo ka mid ah khudbadda Kheyre, ay in yar isaga egyihiin khudbadda caanka ahayd ee uu jeediyay madaxweynihii hore ee Maraykanka.

Waxaan halkan idin kula wadaageynaa qaar ka mid ah khubadihii Xassan Cali Kheyre ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu jeediyay.

Dalka inaan dhibaateyn

Xassan oo jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Qadar uga warbixinayay waxa ay xukumadisu kaga ka duwan tahay kuwii ka horeeyay ayaa yiri: "Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garanay ka hor inta aanan dalka wax u qaban inaan dalka dhibaateynin, taasi waxa uu micneheedu yahay inaan aniga iyo madaxweynaha jeexano siyaasad ah inaan aniga iyo isaga ka madax-bannaanahay musuq-maasuqa, ka madax-bannaanay qabyaaladda iyo nin jecelaysiga, ka madax-bannaahay in shisheeye na iibsan karaan, noona sheegi karaan go'aanka aan dalkeena u gaareyno, ka madax-banaanahay in milyan ama labo ama saddex ama boqolaal milyan nalaku doorsiin karo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dhalin-yarada soo koraya."

Xassan Cali Kheyre oo u muuqday in uu u jawaabayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda ayaa isla khudbadaasi ka yiri "waxaan idin ballan qaadayaa inta aan xukunka joogno inaannaan yeeli doonin in nala cabsiiyo oo dariiqa saxda ah nalaga leexiyo, in nala yiraahdo nala shaqaysta ama waan idinka ridaynaa xukunka, inta aan madaxda nahay, anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan madaxweynaha, sharafta aan raadinayno kama raadinayno qabqableyaal, waxaan ka raadineynaa shacabka Soomaaliyeed."

Ammaanta magaalooyinka Somaaliya

Xassan Cali kheyre waxaa booqasho ku tagay maagaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaalla, waxa ayna khudbadahaasi caan ku yihiin salaanta iyo hordhaca. Waxa uu magaalo-kasto ku ammaanayay kheyraadka gaarka ah ay u leedaaday iyo waxa ay ku wanaagsan tahay.

Beydhabo

Dabyaaqadii sanadii 2019-kii ayuu Xasan Cali Kheyre socdaal ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu khubadiisa ku bilaabay salaanta afka mayga "reer Baydhabo janaay, siin salaami, Nabadaa, Hergelaa bariidaa, sida suurada leh ha iin dhawaayteen, reer Baydhabo Janaay siin hilaawi Isin hilaawteena, reer Koonfur galbeel inii iswaraysana inkooyi"

Khudbadda Reysal wazaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa aad u dheereyd sagoo meel fagaaro ah kula hadlayey shacabka Koonfur Galbeed.

Khudbaddii Macsalaameynta: Tii ugu saameynta badanayn

Khudbadaha kale ee saamaynta leh waxaa ka mid ah khudbaddii uu jeediyey habeenkii u danbaysay ee uu Khayre banneeyey xilka wasiirka koobaad ee dalka. Waxay ahayd khudbad aad loo sugayey maadama maalintaa gelinkeedii hore ay baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen isaga iyo xukuumaddiisaba, arrintaas oo madmadow badan abuurtay.

Raysalwasaare Khayre oo marka xilka laga qaadayey ku maqnaa Dhuusamarreeb ayaa ka soo duulay galabnimadii, waxana uu xilli danbe habeennimadii jeediyey khudbadiisii u danbeeysey ee macasalaamaynta.

Waxaana lagu xasuustaa kalmadihii hadalhaynta badan ee dhinaca baraha bulshada abuurtay ee ahayd: 'anigoo og' isagaa Khayre khudbaddiisa dhowrjeer kusoo celceliyey ereygaas. Habeenkaas oo inkastoo Baarlamaanka sheegeen inay xilkii ka qaadeen, isagu dhankiisa waxa uu sheegay in uu is casilay.

Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa "Anigoo og in wixii maanta ka dhacay baarlamaanka iney sharci darro ahaayeen, aan loo marin hab-raacii saxda ahaa xil-kaqaadis xukuumadeed."

"Anigoo og inaanay ku jirin agendaha, anigoo og inaan laga doodin, anigoo og inaan loo codeyn, anigoo og inaanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, hadana waxaan go'aansaday in umadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan umadda Soomaaliyeed u hayay aigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban bur-bur iyo dhibaato si aan ugu turo shacba Soomaaliyeed, qeybna aan uga noqon khal-khal iyo dib u dhac siyaasadeed oo dalka ku dhaca mid dhaqaale, mid amni iyo mid bulshaba ayaan sida umada soomaaliyeed igu baratay waxaan u noqonayaa tusaale inaanan marna halkan xukun u joogin xukun ee aan u joogay inaan shacabka soomaaliyeed u adeego."

Khudbaddaas oo markii muuqaalkeedii lagu soo baahiyey bogga baraha bulshada ee Xasan Cali Khayre ayaa kumanan kun oo qof ay taageera u muujiyeen.

Hadal jeedinta waa mid ka mid ah xirfadaha ugu waaweyn ee madaxda u horseedi kara in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaasna uga dhaadhiciyaan hadba waxa ay doonayaan, oo ay ka mid tahay in la doorto.

Waa xirfad jaamacadaha iyo mac-hadyada lagu barto, buugaag badane laga qorey, sidaasi darteedna la yaab ma leh in madax badan oo waqtigan casriga ah jooga ay ku wanaagsanyihiin jeedinta khudbadaha marka ay taaganyihiin fagaarayaasha ay dadka badan isugu yimaadaan.

BBC Soomaali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.