Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiiradda: Beesha Caalamka Waa Iney Xushmeysaa Madax bannaanida iyo go’aamadda hey’daha Dastuuriga ah ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa shir guddoominayey shir ay iskugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah maalin uun kadib ceyriyentii ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

113097039_3062660487180614_3113669770426

kulanka golaha wasiirada laga soo saaray war saxafeedeed lagu sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamka ay ixtiraamto madaxbannaanida Soomaalida, si la mid ah ay tix geliyaan go’aan ka Golaha shacabka.

116217094_1701583103315715_1730785894569

Kulanka golaha ayaa sidoo kale bidhaamiyey sida dowladda Soomaaliya ay abaal ugu heyso beesha caalamka laakin muhiim ka oo ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada soomaaliya  waxa ayse xoojiyeen in ay hey;adaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta  xushmeeyaan madaxbannaanida qarankeenna iyo sidoo kale heshiisyada diblomaasiyadeed. Dowladda federaalka ah waxaa ka go’an horumar” ayaa lagu yiri

114093370_3062660567180606_6724707953038

Arrintan ayaa timid kadib markii ay beesha caalamka sheegtay in  la la xisaabtami doono cidda ka dambeysay wixii dhacay iyaga oo ceyrinta ku sheegay mid sharci darro ah.

48830579993_065682d30a_k-1024x593.jpg

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii la soo dhaafay  codka kalsoonida kala noqday xukuumadda uu hoggaaminayay Xasan Cali Kheyre, taasi oo abuurtay walaac siyaasadeed iyo in uu shaki galo qabsoomida shirkii 15 Agoosta 2020 lagu balansanaa inuu ka furmo Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug.

Golaha-Wasiirada-Soomaaliya-1024x683.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this