Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada XF Soomaaliya oo xalay kulan deg-deg ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka gollaha wasiirada oo uu shir gudoominayay sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa looga hadaladii kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub.

“Gollaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay gollaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in wixii tala ah ee ay hayaan ay tahay inay u maraan wado diblomaasiyadeed.

Sidoo kale sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, Mahdi Guuleyd ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “gollaha wasiirada waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in saaxiibadeen beesha caalamka ay ixtiraamaan madaxbanaanida dalkeena iyo dastuurkeena”.

Hadalka dowladda federaalka ayaa yimid kaddib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in xil ka qaadistii Kheyre ay ahayd mid aan waafaqsaneyn nidaamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this