Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulufadda Sucuudigu Hoggaamiyo Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Saraakiil U Dhashay Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Xulufadda Sucuudigu hoggaamiyo ayaa la sheegay inay xayiraad kusoo rogeen dhaq-dhaqaaqa saraakiil Yemen u dhashay oo ka tirsan Dowladda Cabdurabbi Mansoor Hadi, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Yemen.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, ilo-wareed ka tirsan hay’adda duulista rayidka ah ee garoonka diyaaradaha Caden ayaa shaaaca ka qaaday in xulufaddu ay adkaaneyso wadiiqada socdaalka ee dadka ka baxaya Yemen iyo kuwa imanaya.

Tallaabooyinkaan waxaa ujeedkoodu yahay in lagu raad-raaco duulimaadyada saraakiil ka tirsan Dowladda Haadi ee isaga safra Caden, Turkiga iyo Qatar iyadoo uu jiro walaac ah in saraakiil ka tirsan xukuumadda ay Hadi ay si qarsoodi ah xulufo ula sameysanayaan Turkiga.

Xayiraadahaani waxaa ay yimaadeen iyadoo la faafiyay war sheegaya in Turkigu uu doonayo in uu lug ku yeesho Yemen isagoo kaashanaya saraakiil safaro ku martay Caden, Qaahira, Dooxa iyo Istanbul.

Warbaahin uu maal-geliyo Imaaraadk Carabta ayaa warisay in Turkigu uu faro-gelinayo Yemen, isagoo taageeraya xisbiga Islaax, oo loo arko in uu xubin ka yahay Ikhaawanul Muslimiinka, in kastoo uu arrintaas xisbigu dafiray. Si kastaba Turkigu waxaa dhowaan uu ku dhawaaqay in uu hoggaamin doono howlgal budhcadda uu kala dagaalama Gacanka Caden.

Horaantii bishaan, ayaa sidoo kale la wariyay in Sacuudigu uu bilaabay in uu saraakiisha Haadi ka saaro hoteeladda islamarkaana uu dejiyo guryo raqiis ah. Badhtamihii May, ayaa loo sheegay saraakiil Yemen u dhashay in ay banneeyaan hoteeladda maadaama ay Dowladda Sacuudigu dhaqaale ahaan awoodin ay bixiso kharashka hoteeladda ay deganyihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this