Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Hayaan oo si adag uga digay in Soomaaliya la geliyo fowdo iyo qalqal Siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Hayaan, ayaa soo dhoweeyay Iscasilaaddii Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, oo xalay si rasmiya u shaaciyay in uu iscasilay, kadib markii Shalay Golaha Shacabka ay sheegeen in ay Kalsoonida kala laabteen isaga iyo Xukuumaddiisa.

War-saxafadeed ka soo baxay Xisbiga Hayaan, ayaa sidoo kale ku baaqay in Ra’iisul wasaaraha la soo magacaabayo uu ku yimaado Wada-tashi, Ka fiirsasho iyo Talo loo dhanyahay, islamarkaana wuxuu ka digay mudda kororsi horseedi kara fowdo iyo qalqal siyaasadeed.

Xisbiga ayaa Golaha Baarlamanka, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Saamileeyda Siyaasadda ugu baaqay in aysan marnaba ogolaan Ra’iisul wasaare jeebka lagala soo baxo oo fuliya Dano Shakhsiyadeed.

War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan, waxaa sidoo kale loogu mahadceliyay Beesha Caalamka oo sida Xisbigu sheegay mar kasta Garab taagan Bulshada Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

Hayaanka.jpg?resize=1000%2C1306&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Hayaan oo si adag uga digay in Soomaaliya la geliyo fowdo iyo qalqal Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this