Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho & Qaybo kale oo ka mid ah Somalia oo maanta uu Khadka Internet-ku ka Go’an yahay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho & Qaybo kale oo ka mid ah Somalia oo maanta uu Internet-ku ka maqan yahay+Sababta

 internet.jpg

 Waxaa gebi ahaanba hawada ka maqan khadka Internet-ka  magaalada Muqdisho, gobolada Hiiraan, Mudug, Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool iyo gobollada Jubbooyinka.

Saaka ayey dadka ku waaberiisteen khad la’aanta iyadoo uu saameeyay shirkaddaha xawaaladaha, xarumaha warbaahinta iyo xafiisyada  kale oo adeega internet-ka ay ku tiirsanaayeen howlahooda.

Lama oga sababta loo waayay maanta Khadka internet-ka hase ahaatee waxaa loo aaneynayaa cilad farsamo oo shirkaddaha Hormuud iyo Global oo ah kuwa inta badan bixiya addeegga Internet-ka.

Shacabka Muqdisho ayaa saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa maqnaanshaha adeegga internet-ka haddii uu sii socda, waxaana gebi ahaanba joogsan doono adeegyo badan oo khadka internet-ka ku xiran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this