Deeq A. Posted July 25, 2020 Digaagad beed ku fadhida , ayaa waxa ku soo biiray xabbad beed ah oo ka roon , wuxuu kaga soo dulun dulcoobay dhinacaa buurta . (halkaas oo uu GORGOR ugxan dhigtay ) Beedkii wuu wada dilaacay , oo digaag yaryar oo fara badan ayaa beedkii ka dhashay , waxa kaloo dhashay (dilaacay ama ka soo baxay beedkii ) mid la mid ahayn digaaga oo ka roon(wayn) . Wuxuu la koray digaagii , oo wuxuu mooday in uu iyaga la mid yahay , laakiin markasta oo uu arko SIMBIRO duulaaya intuu sare u eego ayuu daawan jiray , wuxuuna iswayiin jiray : tolow adigu ma duuli kartaa sidooda oo kale ? markaasay digaagii kale ku yidhaahdaan maxaad ka eegaysaa , ma waxaad moodaysaa inay inala mid yihiin ? waar waxba ha eegin inagu ma duuli karnee ? Hadaba gorgorkii yaraa , wuxuu isu qaatay , inaanu duuli karin , oo uu ka mid yahay digaagan uu la koray , ee uu mar la dillaacay . Laakiin waxa nasiib darro ah , inaanu tijaabin inuu DUULI karo iyo in kale ? Hadaba tijaabadu iyo ku dhacu waa arin aad iyo aad u muhiih ah, oo loo baahan yahay . Xisbiyada qarankuna waxay u baahan yihiin doorashooyinka in la qabto . Ha noqon sidii gorgorkii digaagga la koray(la dillaacay ama la daaqay ) , ee aan weligiiba tijaabin inuu duuli karo iyo in kale . Wax ma ka fahantay sheekadan ? BAL ADBA FASIRO . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites