Sign in to follow this  
Deeq A.

Gorgorkii iyo digaagii.

Recommended Posts

Deeq A.   

Digaagad beed ku fadhida , ayaa waxa ku soo biiray xabbad beed ah oo ka roon , wuxuu kaga soo dulun dulcoobay dhinacaa buurta . (halkaas oo uu GORGOR ugxan dhigtay )
Beedkii wuu wada dilaacay , oo digaag yaryar oo fara badan ayaa beedkii ka dhashay , waxa kaloo dhashay (dilaacay ama ka soo baxay beedkii ) mid la mid ahayn digaaga oo ka roon(wayn) .
Wuxuu la koray digaagii , oo wuxuu mooday in uu iyaga la mid yahay , laakiin markasta oo uu arko SIMBIRO duulaaya intuu sare u eego ayuu daawan jiray , wuxuuna iswayiin jiray : tolow adigu ma duuli kartaa sidooda oo kale ? markaasay digaagii kale ku yidhaahdaan maxaad ka eegaysaa , ma waxaad moodaysaa inay inala mid yihiin ? waar waxba ha eegin inagu ma duuli karnee ?
Hadaba gorgorkii yaraa , wuxuu isu qaatay , inaanu duuli karin , oo uu ka mid yahay digaagan uu la koray , ee uu mar la dillaacay .
Laakiin waxa nasiib darro ah , inaanu tijaabin inuu DUULI karo iyo in kale ?
Hadaba tijaabadu iyo ku dhacu waa arin aad iyo aad u muhiih ah, oo loo baahan yahay .
Xisbiyada qarankuna waxay u baahan yihiin doorashooyinka in la qabto .
Ha noqon sidii gorgorkii digaagga la koray(la dillaacay ama la daaqay ) , ee aan weligiiba tijaabin inuu duuli karo iyo in kale .
Wax ma ka fahantay sheekadan ?
BAL ADBA FASIRO .

CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this