Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Wadajir oo shaaca ka qaaday sida uu u arko ‘xil ka qaadista’ R/W Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xisbiga Wadajir ayaa maanta war kasoo saaray tallaabadii uu baarlamaanku kalsooni kala noqday xukuumada Kheyre, iyada oo uu si rasmi ah u ayiday Madaxweyne Farmaajo.

Xisbiga ayaa gebi ahaanba ka hor-yimid xil ka qaadista lagu sameeyay Kheyre, taasi oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah oo sharciga baalmarsan.

Wadajir ayaa sheegay in xil ka qaadista Kheyre aysan ku jirin ajendaha golaha, iyada oo aan laga aqrin golaha shacabka saxiixayaasha mooshinka looga soo horjeeday, isla markaan aan wax cod qaadisa la sameysan, xili uu Guddoomiye Mursal shaaciyay in lagu kala baxay codeyntaasi.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in sababta ugu wayn ee xil ka qaadista Kheyre loogu sameeyay ay tahay in la carqaladeeyo shirka Dhuusamareeb, si aysan natiijo buuran uga soo bixin.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir lagu sheegay in ujeedka Farmaajo uu yahay muddo kordhin sharci darro ah, taasi oo dalka u horseedi karta qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Wadajir ayaa ku baaqay in arrintaasi looga baaqsado in shacabka Soomaaliyeed, saamileyda siyaasada iyo beesha caalamkuba ay gacan ka geystaan ka miro dhalinta shirka Dhuusamareeb ee doorashooyinka.

Ugu dambeyntii waxa uu xisbigu ka digay in sharci darada taagan ay horseedo muddo kororsi god mugdi ah ku rida kara Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Wadajir
116158617_2999951463450688_7022151866753

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this