Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul Wasaarihii Somalia ee Xilka laga tuuray oo ku soo wajahan Muqdisho+Fawdo socota 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul Wasaarihii Somalia ee Xilka laga tuuray oo ku soo wajahan Muqdisho+Fawdo socota

 kheyre.jpeg

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu ka dego Muqdisho.

Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa laga soo xigtay in diyaaradii soo qaadi laheyn Ra’isul Wasaaraha ku wajahan tahay magaalada Dhuusomareeb

Wasiirada iyo xildhibaanada taageersan Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa abaabul xoogan xiligan ka wada magaalada Muqdisho, waxa ayna si weyna uga soo horjeedaan xil ka qaadista lagu sameeyay

Qaar kamid ah hoteelada kuyaala magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo looga arinsanayo xiisadan siyaasadeed ee soo korodhay gaar ahaan xil ka tuurista Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaan wali war kasoo saarin xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay , waxaan sidoo kale wali war ku aadan arintan aysan kasoo bixin Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo la rumeesan yahay in qorshahan gadaal ka riixayay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this