Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal: Xukuumadda Xasan Kheyre Waa Dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo goordhow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay iney dhacday xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre isaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka dalbaday inuu si dhaqso leh kusoo magacaabo ra’isul wasaare cusub.

Mursal ayaa intaa ku daray in codeyn golaha ka dhacday ay 170 Xildhibaan codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada Xasan Cali Khayre.

Arrintan ayaa timid sida uu guddoomiye Mursal sheegayo kadib markii Kheyre iyo xukuumadiisa ay ku guuldareysteen arrimihii ay balanqaadeen oo ay ku jirto doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this