Deeq A. Posted July 25, 2020 Xabaalo Wadareed lagu aasay Askar la laayay oo la helay Dowlada Sudan ayaa shaacisay in dhawaan la helay xabaalo wadareed cusub oo lagu aasay ciidamo katirsanaa milatariga dalkaasi oo la laayay sanado badan kahor, kadib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay. War uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sudan ayaa lagu sheegay in la helay haraadiga meydadka 28-qof oo katirsanaa ciidamada milatariga dalkaasi oo la laayay sanadkii 1990-kii. xabaalo wadareedka la helay ayaa warbaahinta Sudan ku warameysaa in ay ahaayeen meydadka saraakiil iyo ciidamo katirsanaa milatariga Sudan oo lagu tuhmay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay oo xilka looga tuuri rabay Madaxweyne Cumar Al bashiir. Madaxweynaha dalka Sudan oo dhawaan xilka looga tuuray kacdoon shacab ayaa wajahaya dacwado dhoor ah ay kamid yihiin afgambigii uu xilka kula wareegay iyo dambiyo kale oo dhacay intii uu xilka hayay, waxaana dhawaan lagu riday xukun xabsi ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites