Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo gubtay gawaari badan, gowracday nin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay deegaanada ay gacanta ku hayso ku gubtay gawaari badan oo siday qaad kuwaasi oo qaarkood ay sii gudbayeen deegaanadooda, sida ay dad deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Al-Shabaab ayaa howl-gal ay kaga hortagayaan mukhaadaradka ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen gawaaridaasi siday qaadka, iyaga oo isla markiiba dab qabadsiiyay gawaaridii iyo qaadkii saarnba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, raggii lagu soo qabtay gawaaridaasi ayaa waxa loo taxaabay xabsiyada Al-Shabaab ee deeganadooda, kuwaasi oo maxkamadda kooxdaasi ay go’aan ka gaari doonto.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gowracday nin ay ku eedeysay tuuganimo, iyada oo meel duleed ahna ku tuurtay meydkiisa, sida ay dad deegaanka ah u xaqiijiyen Caasimada Online.

Ninkan ay gowraceen ayaa waxa lagu soo waramayaa inuu xili habeenimo ah isku dayay inuu wax xado, iyada oo isla markaasina ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, oo la sheegay in habeenkii ay sugaan amniga deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Mana jiro ilaa hadda faah-faahin dheeriya oo ay Al-Shabaab kasoo saartay howl-galadaasi, inkasta oo xogaha aan helayno ay sidaasi tibaaxayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this