Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Daadka Afgooye iyo Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Severe floods in degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda. Dowladda dhexe iyo tan Koonfur Galbeed waa inay si dhaqso ah ugu gurmadaan masaakiinta ku naf iyo maal beelay daadadka.

______________

Lix kun oo qof oo ku barakacay fartahaadda degmada Afgooye

AFGOOYE — Mas’uuliyiinta magaalada Afgooye ayaa sheegayay in fatahaadaha ku dhuftay magaalada ay barakiciyeen ilaa 6 kun oo qof islamarkaana ay kusii fidiyaan xaafado iyo degaanno cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ku dhibaataysan degmada Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Wararkii u dambeeyey ayaa Haaruun Macruuf waxa uu uu ka waraystay guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahum Cumar Qaasim.

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Oo Lacag Badan Ugu Deeqday Fatahaadda Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Shabeellada Hoose oo wada dadaalo fatahaada lagag hortagayo

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga waxaa maalmihii la soo dhaafay ku fatahay Wabiga Shabeelle,waxaana fatahaadaha ay saameeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada iyo tuulooyinka hoostaga oo idil.


Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay inay bilaabeen dadaalo lagu xaameynayo fatahaadaha degmada Afgooye,qorhahaasna uu yahay mid bilaawday oo ay dhameystiri doonaan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo booqday degmada Afgooye ayaa sheegay inay dadaal xoogan ku bixiyeen sidii fatahadaha looga hortegi lahaa si uusan sameyn kale ugu yeelan Bushada.
Waxaa uu Tilmaamay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixin doonaan waxka qabashada Biyo Baxada Saamaysay gobolka shabeelada Hoose,isagoo ku baaqay in gargaar deg deg ah gaarsiiyo Shacabka ka barakacay degmada Afgooye iyo degaannada hoostaga.


Tallaabadaan uu qaaday Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaay kusoo aadeysa xilli Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed C/lahai Farmaajo uu Xukuumada faray in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka degmada Afgooye oo ay fatahaadu saameysay.
Sidoo kale wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa hay’adaha Samafalka ee Soomaaliya ka Howlgala ku amartay inay deg deg uga Jawaabaan Xaalada Binu aadannimo eek a taagan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada.


wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay inay Magaalada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada gurmad deg deg ah heli doonaan saacadaha soo aadan.
Dhanka kale Hay’adda u dooda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay ka digeysa halista uu Cudurka Coronavirus ku yeelan karo dadka Gudaha Soomaaliya ay ku barakiciyeen dagaalada, abaaraha, daadadka iyo Ayaxa dhawaan ku habsaday meel badan oo kamid ah Soomaaliya.


Hay’addu waxaay sheegtay in 19-kii Bishaan tirada dadka laga helay Cudurka guud ahaan Soomaaliya ilaa markii cudurku bilowday ayna xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Ay Maraysay 3,119 oo badi ku nool Gobolka Banaadir oo ay ku yeellaan Xerooyin ay ku jiraan qiyaastii Nus Malyuun Ruux oo barakacayaal ah,kuwaasoo ay u dheer tahay in si qasab ah xeryahooda looga kiciyo oo mar labaad ay sii barakacan sid ay Hay’du sheegtay.
Cilmi bare ka tirsan Hay’adda Amnesty International ayaa sheegay in dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ay yartahay helitaankooda waxyaabo ay kamid yihiin Biyaha, Raashinka iyo Agabyada nadaafada oo hadii la waayo ay Cuduro ka dhex dhalan kartaa.


Waxaa uu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen oo ay ku wareysteen in ka badan 30 qof oo ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale mid ay ku sameeyeen warbixino ay qoreen hay’adaha UN-ka laga dheehan karo dhibaatoyinka heysta dadka Barakacayaasha ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay hadii aysan awoodin gargaarida iyo u gurmashada dadka barakacayaasha inay codsi u dirtaan Hay’adaha caalamiga ah si dadkasi ay uga badbaadaana cudurada halista ah ee hada socda.


Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku barakacsan dad lagu qiyaasay Nus Malyuun qof, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan Xerooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho,, duleedyadeeda iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Sheegay Inay Guddi U Magacaabi Doonaan Fatahaadda Afgooye 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay magacaabi doonaan guddi Xildhibaanno ah oo ka shaqeyn doono sidii si deg deg ah loogu gurman lahaa dadka uu Fatahaadda webiga Shabeelle ku  sameeyay Degmada Afgooye iyo deegaanno kale.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada ay soo jeediyeen arrinkan, isagoo intaa ku daray in guddoonka Baarlamaanka ay gacan ku siin doonan guddiga la magacaabayo gudashada howlaha loo xilsaaray, ayna tagaan goobaha ay musiibada ka dhacday.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay guddiga ku soo magacaabi doonaan, kuwaasi oo ka howlgeli doono sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaannada kale oo uu webiga ku fatahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.