Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray natiijada shirkii magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdushakuur ayaa war ka soo saaray shirkii xalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Qoraalka ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey qodobada ka soo baxay shirkaasi oo looga hadlay arrimaha doorashada 2020/2021-ka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu si gaar ah u boggaadinayo in lagu heshiiyey in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loogu talagalay, si uusan u dhicin muddo kororsi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in guddiga farsamo ee loo saarayo hanaanka doorashada inay ballaariyaan wada tashiyadooda, kuna soo daraan dhammaan dhinac ay quseyso.

Ugu dambeyn xisbiga Wadajir ayaa ka dalbaday beesha caalamka inay taageerto heshiiska ay hoggaanka Soomaalida ku gaareen magaalada Dhuusamareeb.

Wadajir.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this