Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka uga socday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen dhinacyada Shirkaasi.

Qodobka ugu muhiimsan War-murtiyeedka, waxaa lagu heshiiyay  in ay Dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay, waxaana la go’aamiyay in la sameeyo guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo ka soo tala-bixiya Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada.

Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in Shir kale Magaalada Dhuusamareeb la isu’gu yimaado mudda laba todobaad gudahood ah, si loo dhammaystiro Hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka Dalka.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay, waxaa kamid ah in la sii dardargeliyo Wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, ee ku aaddan Xasilinta Dalka iyo La-dagaallanka argagixisada.

Sida War-murtiyeedkaas ku xusan, waxaa kale oo Shirku isla gartay in la sii xoojiyo Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Geeddi-socodka dhammaystirka dayn-cafinta Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Shirku wuxu u mahadceliyay  Dowlad Goboleedka Galmudug oo marti-geliyay Shirka iyo Beesha Caalamka oo sida ay Madaxdu sheegeen Kaalin muuqata ka ciyaaraysa Dib u-dhiska Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka Shirka

WAR-MURTIYEEDJKA.jpg?resize=763%2C1440&s

PUNTLAND POST

The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this