Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Siibed oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20200721_190948.jpg?w=1000&ssl=1Maxamed Siibed

Mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Maxamed Siibed oo horey u ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa maanta si ramsi ah loogu doortay Guddoomiye, halka Guddoomiye ku xigeennada loo kala doortay Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Sumaya Shoole, sidoo kale waxaa Xoghaye Guud noqday Cabdifitaax Sugulle.

Maxamed Siibed oo dhaliila siyaasadda Puntland ayaa noqonaya xildhibaanka kaliya oo kamid noqda guddoonka ururada mucaaradka.

Maxamed Ismaacil Siibed waa qoraa iyo macallim, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland.

PUNTLAND POST


The post Xildhibaan Siibed oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this