Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii Abaabulka Tartankii Lagu Maamusayay Laacib Uureey Ayaa Abaal Mariyay Kooxihii Kaalmaha Horey Galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii soo qaban qaabiyay tartankii lagu maamusyay laacib Maxamed Xaaji Adam (Uurey) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabada lagu soo xereyay laguna abaal marinayay kooxihii kalaamaha hore ka galay tartanka iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay mudiidii uu socday.

Sequence-01.00_06_07_17.Still007-1024x76

Kulankan kasoo qeyb galay ciyaartooydii hore Soomaaliya ee kubbadda cagta,kolayga iyo qeybaha kala duwan ee isboortiga iyo marti sharaf kalr oo lagu casuumay gunaanudka tartankii lagu waynaynay laacib Maxamed Xaaji Aadam Uurey,kaas oo mudo bil ah ka socday degmada Waaberi ee Muqdisho.

Sequence-01.00_07_09_24.Still008-1024x76

Waxaa goobta ka hadlay in badan oo ka mid ah laacibintii hore Soomaaliya,iyagoo u mahad celiyay dadkii ka shaqeeyay qabsoomida koobkii lagu maamusay marxuum ee ku geeriyooday magaalada Toronto ee Wadanka Canada, waxayna sheegeyn in la baahanyahay in la sii wado barnaamijyada oo kale.

Sequence-01.00_06_45_19.Still004-1024x76

Axmaday Hilowle Maxamuud oo ka mid ahaa guddiga abaabulka tartankii lagu maamusayay laacib Uurey ayaa u mahad celiyay intii ka qeyb qaatay mudadii uu socday,isagoo sheegay in ay qaban qaabindoonaan tartamo kale oo lagu maamusaayo hayeeyadii ka baxay isboortiga Soomaaliya, si wax badan oo looga barto taariikhdooda iyo guulaha ay gaareyn.

Sequence-01.00_06_45_19.Still003-1024x76

Qaar ka mid ah maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Jeneraal Daa’uud ee hanatay koobkii lagu maamusayay ciyaaryahan Maxamed Adam Uurey ayaa iyagana u mahad celiyay sida wanaagsan ee loo gudoonsiiyay koobkii quruxda badnaa ay ka qaadeyn ciyaaryahanada Asal 24.

Sequence-01.00_06_28_15.Still002-1024x76Si kastaba waxaa gunaanadkii xaflada la abaal mariyay shaqsiyaadkii iyo kooxaha kaalamaha hore ka galay tartankii lagu waynaynay marxuum Maxamed Xaaji Aadam xidigihii Soomaaliya iyo naadiga Jeenyo oo dhamaadkii sanadkii 2019 ku geeriyooday Wadanka Canada.

Sequence-01.00_06_59_13.Still001-1024x76

Halkan Ka Daawo Ku Saabsan Xeritaanka Tartankii Lagu Xusayay Laacib Maxamed Uureey

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this