Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Aw Cali.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilki  looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Aw Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.

Sababta xilka looga qaaday guddoomiye C/raxmaan Ow Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this