Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad badan oo laga soo bad-baadiyey guri ku soo dumay Xamarweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhowaad 20 qof ayaa laga soo bad-baadiyey Guri ka kooban saddex dabaq oo xalay ku dumay dadkii deganaa oo markii dambe laga soo saaray dhismaha hoostiisa.

Guriga dumay oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamarweyne, ayaa waxaa gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka xaafadda oo iskaashanaya, kuwaasi oo soo bad-baadiyey illaa 17 qof.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kale tegay goobta ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay burburka dhismahaasi, wuxuuna sheegay in 5-ka mid ah dadka la soo bad-baadiyey ay qabaan dhaawacyo fudud, halka 12-ka kale laga saaray isbitaalka, kadib markii ay mareen hubin caafimaad.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sababta ku sheegay in dhismaha soo dumay uu saameeyey roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

“Roobabkii iska daba socday dartood waxaa dumay guri dabaq ah oo qadiimi ah, shacabka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda dowladda hoose waa ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan qoysaskii burburka ka hoos maray, taasi waxa ay kamid tahay khasaaraha ka dhasha roobka iyo in ay dumaan guryaha waqtiga dheer dhisan.”  ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan meelaha qaar ee halista ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

7cc57171-0717-4c85-b00e-3ddee2eb8185.jpg 3aabdb58-e8de-4d52-bdc2-220bfece4745.jpg c6a1dc60-0cf6-40d7-a5e4-4898c855b761.jpg abe3b676-8b65-49a2-92ae-213a690d762c.jpg

bur-bur.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this