Deeq A. Posted July 20, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay gudaha degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Baay iyo ka degmada Buurhakaba oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahnada Al-Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites