Deeq A. Posted July 19, 2020 Waxaa Maanta oo Axad ah soo geba-gaboobay, Shirweynaha kowaad ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, oo mudda laba maalmood ah ka socday Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Shirweynaha, waxa Maanta lagu doortay Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka Kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, sidoo kale waxaa lagu doortay Xoghayaha Guud ee Ururka. Golaha Dhex ee Ururka, waxay Guddoomiyaha Rasmiga ah u doorteen Siyaasi Daahir Xaaji Khaliif, oo horay si ku meel gaar ah u hayay xilkaan, kana mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo horay Wasiir uga soo noqday Puntland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad, waxaa loo doortay Najax Maxamuud Cali oo ka soo jeeda Gobolka Mudug, halka Guddoomiy ku xigeenka labaad loo doortay Cabdalle Sheekh Axmed Yuusuf oo isn ka soo jeeda Gobolka Sanaag. Sidoo kale, Xoghaya Guud ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, waxaa loo doortay Ganacsade Abshir Cumar Huruuse oo ka soo jeeda Gobolka Nugaal kana mid ah Ganacsatada sannadihii dambe dhanka Siyaasadda ku biiray. PUNTLAND POST The post Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo hoggaaan rasmiya doortay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites