Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Imaaraadka oo Diyaarado Israel samayso ku taageeraya Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog:Imaaraadka oo Diyaarado Israel samayso ku taageeraya Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar

 drone.jpg

Ilo-wareedyo Liibiyan ah ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad uu leeyahay militariga Imaaraadka Carabta, isla markaana siday qalab badan oo militari ay ka degtay garoonka ciidanka ee Al-Jufra todobaadkii lasoo dhaafay, sida uu daabacay wargeyska fadhigiisu yahay London ee Al-Caraby Al-Jadeed.

Garoonka Al-Jufra oo ku yaalla bartamaha Liibiya waxaa maamula dagaalamayaal xiriir la leh shirkadda calooshood u shaqayteyaasha Ruushka ee Wagner, islamarkaana taageerada siisa dagaal-oogle Jeneral Khaliifa Xaftar.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhowaan uu Imaadraadku ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar siiyey shan diyaaradaha hubeysan ee aan duuliyaha lahayn ah.

Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in Abu Dhabi ay ciidanka Jeneraal Xaftar siiyey seddax ka mid ah diyaaradaha dhuunta ee Israa’iil sameysay ee magacoodu yahay Heron, kuwaas oo awood u leh in ay qaadan xaddi badan oo qaraxyo ah.

Diyaaradaha Heron TP2 ee aan duuliyaha lahayn waxaa howl-galladooda u adeegsada military-ga Israa’iil.

Waxaa ay qaadi karaan tiro badan oo hub iyo qalabka xiriirka ah, waxaa lagu qalabeyn karaa gantaaladda dhulka lagu garaaco iyo bambooyinka la hago, waxay sidoo kale duuli karaan 30 saacadood, iyagoo ku socda xawaare ka badan 400 oo kilo-meter saacadiiba.

Xukuumadda Abu Dhabi waxay sidoo kale ciidanka Jeneraal Xaftar siisay laba diyaaradood oo nooca CH5 ah, kuwaas oo uu Shiinuhu sameeyay, isla markana qaadi kara dagaalka iyo howgallada indho-indheynta ah iyo sidoo kale howlaha sirdoonka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this