Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka hoose ee Ruushka iyo kooxda Wagner Group ay la leeyihiin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Foreign Policy ee Mareykanka ayaa qoray in Ruushka ay ballaariyeen saameynta ay ku leeyihiin Soomaaliya, xilli ay safiir soo magacaabeen markii ugu horreysay muddo 30 sano kadib.

Hase yeeshee arrinta walaaca leh ee wargeyska uu shaaca ka qaaday ayaa ah in xukuumadda Moscow ay xiriir qarsoodi ah la leedahay kooxaha xagjiriinta ee Soomaaliya, si ay u ugaarsadaan una dilaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda jooga Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.

Arrintan ayaa imaneysa, ayada oo dhowaan Wargeyska New York Times, uu daabacay in sirdoonka Mareykanka ay ogaadeen in Ruushka ay sanado u adeegsanayeen kooxda Taliban weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo xulufada NATO ee Afghanistan.

Foreign Policy ayaa saraakiil ka kala tirsan wasaaradda difaaca, amniga, iyo amniga gobolka oo ku sugan Soomaaliya kasoo xigtay in sirdoonka Ruushka iyo kooxda Wagner Group – oo ah calooshood u shaqeystayaal u tababaran sida militariga islamarkaana xiriir la leh Moscow – ay ka howlgalaan Soomaaliya.

Wagner Group, ayaa sida warbixinta ay sheegtay waxay xiriir hoose la leeyihiin Al-Shabaab, ayaga oo dhanka kalena isku dayaya inay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka u yaboohaan tababar iyo qalab.

Wagner Group ayaa sidoo kale Ruushka uu adeegsadaa dagaalka dalka Libya, halkaasi oo ay taageeraan dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar.

Labadii sano ee ugu dambeysay Ruushka iyo Iran ayaa muujiyey sida ay u danaynayaan Geeska Afrika, waxaana saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya laga soo xigtay in Ruushka ay Iran kala shaqeynayeen in Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

Warbiixnta Forign Policy ayaa si gaar ah u xustay in Ruushka uu daneynayo inuu dib ula wareego saldhigga Ballidoogle, oo ay horey u dhiseen militarigii Midowga Soviet, balse hadda ay degan yihiin ciidamada Mareykanka. Ruushka waxay sidoo kale daneynayaan dekedda Berbera.

Saraakiisha ayaa rumeysan in weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ballidoogle 30-kii September 2019 ay kaalin ku lahaayeen Iran iyo Ruushka, balse weerarkaas ayaa la fashiliyey laguna laayey kooxdii soo weerartay.

Halkan hoose ka aqriso warbixin si gaar ah uga hadleysa xiriirka Iran iyo Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this