Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo shaacisay cidda guddoomin doonta shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Villa Somalia oo shaacisay cidda guddoomin doonta shirka Dhuusamareeb

far.jpg

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu guddoomin doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee ka furmaya Dhuusamareeb, xilli uu muran ka taagnaa arrintan.

Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay tegitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.”

Hadalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa imanaya iyada oo Galmudug ay horey ugu gacan saydhay dalab ka yimid Villa Somalia oo ahaa in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo madaxweynaha, mana cadda waxa isbedelay.

Galmudug ayaa horey ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka.

 

Si kastaba, maanta marka shirka uu si rasmi ah u furmo ayey kala caddaan doontaa cidda hoggaamineysa madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this