Deeq A. Posted July 18, 2020 International Partners supporting #Somaliland’s democratization process welcome the Somaliland Political Parties agreement, signed on 12 July, to conduct Local Council and Parliamentary Elections in 2020 – Read full statement: https://t.co/fdyu9q7fjF pic.twitter.com/2Or8sl6Swl — UNSOM (@UNSomalia) July 17, 2020 Beesha caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland, kaasi oo xal looga gaadhay khilaafka doorashooyinka. Dalalka beesha caalamka ee sida weyn ula dhacsan nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, ee dhanka doorashooyinka ayaa garab istaag buuxa ugu muujiyey heshiiska cusub ee laga gaadhay qabsoomida doorashooyinka. Dalalkaasi oo ay kamid yihiin Mareykanka, Norway, Sweden, Canada iyo UK oo ay ku wehlinayaan hay’addo caalami ah oo ay hor kaceyso Qaramada Midoobay ayaa si wada-jir ah ugu sacabo tumay in doorasho loo dhan yahay ay ka qabsoomto Somaliland. “Saaxiibada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay soo dhaweeyeen heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee la saxeexay 12 Julay 2020 si doorashada baarlamaanka iyo deegaanka loo qabto 2020” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay si wada-jir ah usoo saareen in ka badan 15-dal iyo ururo caalami ah. Waxa kale oo lagu yidhi war-murtiyeedkaasi “Heshiiskan taariikhiga ahi wuxuu fursado cusub siinayaa in hore loo sii wado diyaar garowga doorashada waxaana looga baahanyahay guddiga doorashada inay 14 cisho gudahood waqti farsamo ee jadwalka ku keenaan oo ka bilaabmayay 12 Julay 2020”. Dalalkaasi ayaa sidoo kale heshiiska laga gaadhay khilaafka doorashooyinka Somaliland u arka mid si gar ah fursad u siinaya dhallinyarada haweenka iyo ragga leh ee aan weligood dooran wakiiladooda ay doortaan, maadama dhowr jeer loo muddo kordhiyey. Ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda, Baarlamaanka, guddiga doorashada iyo maxkamadda sare ugu baaqeen in dadka laga tirada badan yahay lagu daro inay codeeyaan oo ay murashixiin noqdaan, xili la isku af-gartay in wax badal lagu sameyn saamiga doorashada ee beelaha Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites