Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigaan oo hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdoinuur Maxamed Axmed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

“Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug”ayuu  u sheegay warbaahinta qaranka Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha wasiirrada Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta wafdiga hordhaca ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug”

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this