Sign in to follow this  
Deeq A.

“Aan Ka Wada Hor-tagno Dadka Dhiigga Shacabka Ka Ganacsada….” Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay iney si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah inay dalka Itoobiya ku daadiyaan.

Dr Abiy Axmed oo warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya uu ku sheegay dowladda waajibkeeda si ay u gudato in loo baahan yahay iney shacabku dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo.

Qaamuuska siyaasadeed ee soo jireenka ah ee dalka Itoobiya waxaa ka buuxay ereyada ay ka mid yihiin “dil, garaac, jarjar” iwm iyada oo dalka Itoobiya ay siyaasaddiisu qarniyo sidaa ku dhisneyd.

Xaaladda siyaasadeed uu dalku haatan ku sugan yahayna waa mid aynu ka dhaxalnay dhaqanki noocaas ahaa ee aan soo caadeysannay.

Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqanki noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda.

Haddaba xukumadda hadda jirta waxay dadaal adag ugu jirtaa sidi aan dhaqankaasi ugu beddeli lahayd nidaam cusub oo bulshooyinka dalka Itoobiya ku wada nool u horseedayo aragti siyaasadeed oo cusub gabi ahaanba beddelo xaaladda siyaasadeed uu qarniyo dalka Itoobiya ku soo dhaqmayey.

Miinooyinka iskudhacyada ee dalka Itoobiya qaybahiisa kala duwan lagu aasay xilliga ay qarxayaan, miinadaasi iskudhaca looga tala galay, xilliga ay qarxeyso, halka lagu aasay iyo cidda aastay dadaallada lagu ogaanayo ma ah mid uu waajib uu ka saaran yahay koox gaar ah ama dowladda oo keli ah balse waa waajib dhammaanteen na saaran”.

Ogaanshaha oo keli ah xal uma noqonayo, maxaa yeelay dadku iney isaga horyimaaddaan, qowmiyad iyo diin ahaan oo ay dadku isdilaan, hantida dalkana lagu burburiyo waxaa ka dambeeya kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka masaakiinta.

Wixi hadda ka dambeeya uma dulqaadaneyno, mana oggolaaneyso, kooxaha noocaasi ah iney dhexdeenna ku noolaadaan. Maalmo ina dhaafaya, dhaawacyo aan bogsaneyn iney noo geystaanna ma aha inaan u oggolaanno.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this