Sign in to follow this  
Deeq A.

“Si Rasmi Ah Looma Billaabin Buuxinta Harada Biyo-xidheenka…” Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo billaabin buuxinta harada biyo-xirdhenka.

Wasiirka biyaha Itoobiya Dr Sileshi Beqele oo u waramay telefishinka dowladda ee EBC wuxuu sheegay biyo buuxinta iyo biyo xidheenka iyo dhismaha biyo xidheenkaba sidi looga talagalay iney u socdaan balse weli aan si rasmi ah loo billaabin buuxinta biyaha harada biyo-xidheenka.

Sawir dhawaan dhinaca satellite lagaga qaaday biyo-xidheenka ay Itoobiya dhiseyso ayaa muujinaya xaddiga biyaha harada biyo-xidheenka oo kordhay.

Iyada oo la sheegay wasaaradda biyaha ee dalka Itoobiya iney xaqiijisay iney sax yihiin.

Wadahadalladi seddex geesoodka ahaa oo ay dhexdhexaadineysay midowga Afrika oo 11-ka maalmood socday wuxuu ku soo gabagaboobay isafgarasha la’aan.

Wuxuuna wasiirka biyaha Itoobiya, bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray “wadahadalka seddexda dal dhexmaray inuu ahaa mid jiilalka soo socda xataa ay ka faa’idi doonaan oo dalalka oo dhan ka wada faa’idayaan.”

Seddexda dal Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalki ay ka yeesheen muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso waxaa ka qayb galay 11 xubnood oo isugu jiro goob joogayaal iyo guddiyo farsamo. Hase yeeshee, wadahadalka wax natiija ah lagama gaarin.

“Wadahadalka 11-ka maalmood socday iyo arrimihi ay seddexda dal isku afgarteen waxay warbixin ahaan ugu gudbinayaan madaxda dalalkaasi iyo midowga Afrika ee dhexdhexaadinta waday” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this