Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabad lagu xusayay af-gambigii dhicisoobay ee Turkiga ayaa lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad lagu xusaayay sanad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii af ganbi la isku dayay in dowladda turkiga lagu sameeyo uu dhicisoobay ayaa lagu qabtay safaarada Tukiga ee magaalada muqdisho.

00071.MTS_.00_00_02_15.Still001-1024x576

Waxaa xafladda xuska sanad guuradii afaraad ee af ganbigii fashilmay kaso wareegatay oo soo qaban qaabisay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiiro, masuuliyiinta safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

00060.MTS_.00_00_00_19.Still001-1024x576

Waxaa muddo daqiiqad ah loo aamusay si loogu duceeyo, looguna xuso dadkii ku dhintay af ganbigii dhicisoobay ee habeennimadii 15 kii luulyo 2016 kii ka isku daygiisii ka dhacay qeyba ka mid ah dalka Turkiga kaas oo aan lagu guuleysan kadib markii shacabka Turkiga is hortaag ku sameeyeen.

00074.MTS_.00_00_00_00.Still001-1024x576

Sido kale waxaa xuska ka hadlay kana waramay sida ay u dheceen habeenkii 15 kii luulyo 2016 ee uu fashilmay af ganbigii la isku dayay in dowladda Turkiga lagu sameeyo safiirka dowladda Turkiga u jooga soomaaliya Ambassador Mehmet yilmaz, isagoo sido kale safiirku ka tacsiyeeyay geeridii ku timid ra iisul wasaarihii hore ee soomaaliya xassan abshir

00064.MTS_.00_00_00_00.Still001-1024x576

Ra iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in af ganbigii ka dhacay Turkiga ay si weyn ugu fal celisay,isagoo labada dalka ay yihiin Walaalo dhab ah.

00066.MTS_.00_05_36_21.Still001-1024x576

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Munaasabad lagu xusayay af-gambigii dhicisoobay ee Turkiga

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this