Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeestay shirka Dhuusamaareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay shirka madaxda dowladda faderaalka dowlad iyo kuwa goboleedyada ee Dhuusamareeb.

Mursal ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka aysan xaq u laheyn inay go’aan ka gaaraan arrimaha doorashada ee 2020/21-ka, loona baahan yahay in loo madax-baneeyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan aqbli doonin in loo laabto doorasho dadban, isagoona carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka ay shaaciyeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, kadib shir wada-tasho ah oo ay ku yeesheen magaalada Dhuusamaareeb ee gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this