Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ciidamadaas ay ku leeyihiin deegaanka Halgan.

Ilo dadka deegaanka ah oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in weerarka kadib dagaal toos ah oo saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, mana jiro sidoo kale wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this