Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Baarlamanka Puntland oo ansixiyay in ay iibsadaan Xaruntooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe.

Qoraalka Codsiga ah ayaa lagu sheegay in Amni ahaan aysan ku habboonayn Xarunta uu hadda ku shaqeeyo Golaha Baarlamanka maadaama ay ku dhex taallo gurya ay deggan yihiin Dad Shacab ah sidaas darteedna ay tahay in Goluhu helo Xarun ka baxsan gudaha Magaalada.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana Xarun kale la raadiyo Xarun  kale oo ka baxsan gudaha Magaalada.

Kulankii Maanta oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.

Mudadii ay socotay Doodda iyo Codaynta Qoraalka Codsiga ah ee Guddoonka Golaha Wakiiladu  uu Xildhibaannada kaga dalbanayey in ay iibsadaan xaruntooda waxaa Golaha bannaanka looga ceyriyay Dhalinyarada Muuqaallada u duubta Baarlamanka si looga taxaddaro in aysan bixin Xogta.

Waxaase xusid mudan in aysan weli Guddoonka Baarlamanku shaacin halka ay Xarun cusub ka dhiganayaan maadaama ay ansixiyeen in ay iibsadaan Xaruntooda ay haatan ku shaqeeyaan.

PUNTLAND POST

The post XOG: Baarlamanka Puntland oo ansixiyay in ay iibsadaan Xaruntooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this