Sign in to follow this  
Deeq A.

XISBIGA Cadaaladda iyo Horumarka oo taageeray go’aannadii Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxuu ku soo dhaweeyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka madaxda maamul goboleedyada dalka uga socda magaalada Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug.

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay ka mid noqdaan xalka loo raadinayo sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho lagu wada qanacsanyahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Qoraalka xisbiga oo ka koobnaa afar qodob ayaa lagu yiri, “Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka waxa uu madaxda dowladda federaalka ku dhiiragelinayaa inay ka qeyb galaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kana mid noqdaan xalka loo raadinayo xaaladda ka dhalatay fashilkooda ah inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.”

Sidoo kale Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa qoraalkan uu soo saaray ku bogaadiyey shacabka iyo hoggaanka Galmudug, sida ay isaga xil saareen marti gelinta shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Hoos ka aqriso qodobada war-saxaafadeedka  

109296297_3467849249911932_7329417616537

2-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this