Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre oo sheegay in shahaado aan la siin doonin ardayda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qyeb-gelin Imtixaanka ay Wasaaraddu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.

Wasiirka oo ka qeyb-galay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Puntland aysan u diyaar saneyn in ay dadkooda wax la qeyb-sadaan,hayeeshee Dowladda aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka.

Waxaa uu sheegay inaysan, iyagu aheyn kuwo diidan dadka Reer Puntland,balse xaq aysan aheyn in Shahaado la siiyo Arday aan imtixaan gelin,waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda.

Sanadkii hore ayuu sheegay inay socdeen waan waan arrintaasi xal looga gaarayay,balse haatan wada-hadalladaas aysan muuqan,waxaana uu Madaxda Puntland ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen waxbarashada Ardayda ku nool degaannada Puntland.

Sanadkii hore ee 2019 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Shahaadada u diiday ardayda degaannada Puntland taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed,hayeeshee wada-hadallo kadib la siiyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this