Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faadumo Haldhaa

Recommended Posts

Faadumo-Haldhaa.jpg

 

Hargeysa (Geeska/Somalilandpress)- Fanaanada caanka ah ee Faadumo Cali Cilmi (Faadumo Haldhaa), ayaa la sheegay inay gebi ahaanba ka baxday badweynta fanka oo ay u diga-rogatay barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

 

Fanaanada Faadumo-Haldhaa oo ahayd fanaanad cod macaan oo ay inta badan Soomaalidu heesaheeda xiisayso, waxa la sheegay inay ka guurtay magaalada London oo ay hore u daganayd, una guurtay magaalada Barakaysan ee Makkah Al Mukaramah, halkaas oo ay uga dhawaatay barashada diinta Islaamka.

 

Dad xog-ogaal ah oo ku dhow dhow Faadumo Haldhaa ayaa Wargeyska ka soo baxa magaalada Hargeysa ee Geeska Afrika u sheegay in fanaanadu mudooyinkii u dambaysay ka niyad-jabsanayd hawsha fanka ee ay mudada dheer ku dhex-jirtay.

 

Faadumo waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1975-kii, xilligaas oo ay qaaday heeso tiro badan oo ku saabsanaa gobonimo-doonkii wadanka Jabuuti.

Sidoo kalena waxay ka qayb-gashay riwaayado caan ah oo dalkii Soomaaliya lagu dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahayd riwaayadii (Masiibadu Aduunyada iyadaa u macalin ah) oo uu alifay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey). Waxaanay riwaayadaas kaga jirtay kaalin muhiim ah iyada oo difaacaysay dhaqanka Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka.

 

Faadumo Haldhaa iyo Cadar Axmed Kaahin ayaa riwaayadaas metelayay dhaqanka hablaha Soomaaliyeed, halka ay Kinsi Xaaji Aadan iyo Khadiija Hiiraan metelayeen kaalinta ilbaxnimada iyo dhaqanka casriga ah.

 

Faadumo Haldhaa waxa ay magaca Haldhaa kula baxday qaybta ay ku leedahay heestan ay riwaayadaas ku difaacaysay dhaqanka haweenka Soomaalida iyada oo ay odhanayso:

 

Haldhaa baa lay yidhaa

Heensihii baan weli sitaa

Hiddii lay wada yiqiin

Asluubtii hooyaday

Hormood baan dhaqan u ahay

Inaan hirgashaan jeclahay

Huf iyo been kuma lug go’o

Hirkaa qaawanida dhalay

In lagu hogtaan ogahay

Habowdaye waxaan ku idhi

Hugaaga iyo kaan xidhnahay

Labada kee haybad wacan

Hilbana keenee asturan

 

Heesaha kale ee ay ku luuqayso waxa ka mid ah;

 

Xidhmadan ubaxa ah xabiibi gudoon

Qalbigayga xogtiisa xabiibi gudoon

 

Iyo waliba heeso kale oo tiro badan.

 

Faadumo waxa ay hadda sida sawirka ka muuqata qaadatay xijaabka diinta Islaamku ku waajibisay haweenka muslimiinta, si ay isu asturaan.

 

Fanaanada Qamar Cabdilaahi Harawo ayaa iyaduna hore uga baxday badweyntii fanka oo u noqotay diinta Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Haldhaa iyo Cadar,

 

Waryaa dee ka dhafdee, qoftu waa toobad keentey, :D mise wa ka xuntahay, smile.gif Rabi ha ka aqbalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this